Puntland oo Sheegtay in Aysan Soo Gaarin Lacagtii DFS Balanqaaday

0

Maamulka Puntland ayaa sheegay in aysan soo gaarin lacagtii uu dhawaan Maamul Goboleedyadda  u balanqaaday Raisulwasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Yuusuf Xaaji Xirsi oo warbixin siinayay guddiga Puntland u qaabilsan COVID-19 ayaa Sheegay in aysan jirin wax lacag ah oo uga timid dowladda Soomaaliya.

Wasiirka oo Warbaahintu weydiisay in ay Puntland soo gaartay Lacagtii Federaalku sheegay in loo fasaxay dowlad goboleedyad ayaa ku jawaabay in Lacagtaas aysan Puntland weli ka helin dowladda dhexe.

Jubbaland ayaa sidaan oo kale sheegtay in aysan soo gaarin lacagtii uu dhawaan Maamul Goboleedyadda  u balanqaaday Raisulwasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here