Taliska Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa amar dul dhigay wadayaasha Gaadiidka Dadweynaha Magaaladda muqdisho.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo warbaahinta kula hadlay magaaladda muqdisho ayaa kaga digay wadayaasha Gaadiidka dadweynaha inay qaadaan dad aad u fara badan.
Waxa uu ku sheegay sababta inay tahay, iyadoo laga feejigan yahay faafitaanka Caabuqa Coronavirus, islamarkaana loo baahan yahay wadayaasha gaadiidka dadweynaha inay qaadaan tiro ka yar intii hore ee ay qaadi jireen.
Taliyaha Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegay haddii awaamiirtaasi ay fulin waayaan wadayaasha gaadiidka dadweynaha dowladda inay ka qaadi doonto tallaabo sharciga waafaqsan.

