Gudoomiye Mursal oo Sheegay in Doorashadda Waqtigeeda Ku Dhacayso

0

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan ayaa ka hadlay wararka ku aadan in dowladda haatan jirta muddo kordhin ay sameysan doonto.

Waxa uu sheegay in wararkaas ay yihiin,kuwa been abuur ah,islamarkaana muddo kordhin aysan jiri doonin.

“Waxaan rabaa in hal qodob si fiican loo fahmo. Sharcigan doorashada waxaa loogu talagalay baarlamaanka, oo kala ah Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare. Muddooyinkii ugu dambeeyay ee aan kasoo gudubnay oo ay ugu dambeysay 2016-kii, doorashada la aadi jiray waxay ahayd doorasho dadban, marka waxa la dooranayo waa 275 xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 54 oo Aqalka Sare ah, sidaas awgeed waxay ila tahay intaas xal loo waayi maayo”.

Saameynta ka dhalatay cudurka Covid-19 oo Soomaaliya soo gaaray ayaa sababay in la hakiyo howshii labadda aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, taasoo udub dhexaad u ahayd hannaanka doorashada xigta ee dalka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here