Puntland ayaa shaacisay in bukaan looga shakisanaa xanuunka COVID-19 oo karantiilnaa uu geeriyooday balse weli la sugayo natiijada baaritaan lagu sameeyay si loo xaqiijiyo in uu cudurkaas u dhintay iyo in kale.
Qoraal ka soo baxay Guddiga ka hortagga iyo wacyi-gelinta xanuunka COVID-19 u qaabilsan Puntland ayaa lagu sheegay in bukaankaas geeriyooday weli la sugayo natiijada baaritaankiisa balse lama sheegin magaalada uu ku geeriyooday.


