Ciidamadda Danab oo Shabaab Kala Wareegay Cabdi Dhore iyo Beerxani

0

Ciidamadda Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howgal qorshaysnaa ka fuliyay tuulooyinka Cabdi Dhore iyo Beerxani oo qayaasti 50 (KM)dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland.

Intuu howlgalka socday Ciidamadda ayaa dilay dagaalyahano ka Tirsanaa Xarakadda Al-shabaab sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Taliska Ciidamadda Danab.

Sidoo kale Taliska Danab ayaa sheegay in ciidamadda ay markii dambe la wareegeen tuulooyinka Cabdi Dhore iyo Beerxani, shabaabna laga saaray halkaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here