Wararka ka imaanaya Gobolka Baay ayaa ku waramaya in ciidamadda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay Al-shabaab kala wareegeen Deegaano hoos yimaada Degmadda Diinsoor ee Gobolkaas.
Deeganadda ay Ciidamadda Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya ay la wareegeen ayaa kala ah deegaannada Bandhuub iyo Biilane oo hoos taga Degmada Diinsoor.
Saraakiil ka tirsan ciidamadda Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in ciidamadda KGS ay si Nabadd ah ay deeganaadaas ula wareegeen.
Waxa ay sheegeen in Shabaab ay dhibaatooyin ay ku hayaan shacabka ku nool deeganada hoosyimaada Degmadda Diinsoor.
Xarakadda Al-shabaab ayaa sanado ka hor go’doon saartay Degmadda Diinsoor ee Gobolka Baay.

