Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inay diyaariyeen koox u tababaran aasitaanka dadka u dhinta Covid-19.
Waxa uu sheegay in Kooxdaasi ay u diyaariyeen inay aasan dadka u geeriyooda Covid-19 ay ka qeyb yihiin Culimo Soomaaliyeed oo bulshada loogu tala-galay inay ka wacyi-geliyaan in dadku ku soo ururin Meydka qofka u dhinta cudurkaasi.
Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka dalbaday bulshadda ku nool Muqdisho in ay qaataan talooyinka wasaaradda Caafimaadka ay bixinayso.

