Al-shabaab ayaa goob fagaare ah ku toogtay lix ruux ay ku eedeeyeen in ay la shaqeynayeen Dowladda Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyadda.
Xukunkaan dilka ah ayaa ka dhacay fagaare ku yaala degmada Jamaame ee Jubbada Hoose ee Koonfurta dalka Soomaaliya.
Ragga basaaska u ahaa Dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada ee Jamaame lagu toogtay waxay tiradoodu gaareysaa lix ruux, waxaana fagaaraha dilku ka dhacay isugu yimid dadweyne aad u farabadan.
Gudoomiyaha Maxkamadda Shabaab ee Jubooyinka ayaa faah faahin ka bixiyay shaqooyinkii ay hayeen 6da xubnood ugu dambeyntiina wuxuu sheegay in xukunkoodu uu yahay “Xaddu-riddah” oo ah in ladilo.
Ragga Xukunka dilka lagu fuliyay ahaa kala ahaa.
- Maxamada Iidow Aadan oo loo yaqaano Tareeso, wuxuu u shaqeynayay Sirdoonka Dolwadda federaalka.
- Aadan Cabdullaahi Xaaji Aadan Boorow, wuxuu u shaqeynayay sirdoonka Dowladda federaalka.
- Cusmaan Cabdulle Afrax oo u shaqeynayay Sirdoonka Dowladda federaalka.
- Xassan Hafow Saney wuxuu u shaqeynayay sirdoonka maamulka Jubbaland.
- Maxamada Cali Madkeerow (Qoryooley) wuxuu u shaqeynayay Sirdoonka maamulka Koonfur galbeed.
- Hilowle Bashiir Aadan oo u shaqeynayay Sirdoonka maamulka Koonfur Galbeed.

