Al-Shabaab oo Soo Bandhigay Meydadka Askar iyo Hubkooda+Sawirro

0

Al-shabaab ayaa soo bandhigay meydadka iyo hub ay lahaayeen Ciidamadda Maamulka Jubbaland,kadib dagaal ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo.

Dagaalyahano ka Tirsan Shabaab ayaa weerar gaadmo ahaa ku qaaday Saldhiga ciidamadda mareykanka uu Tabararay ee ku yaala deegaanka Baar Sanguuni.

Weerarka aya lagu dilay 12-askari sida Shabaab ay sheegeen.

Ciidamada Al Shabaab ayaa gacanta ku dhigay meydadka 5 askari iyo hubkii ay wateen.

“Maamulka Shabaab ee degmadda Jamaame ayaa goob fagaare ah kusoo bandhigay meydadka askarta, saraakiil ka hadlay munaasabaddii bandhigga ayaa sheegay in khasaara lixaad leh dhabarka loo saariyay Ciidamadda  lagu tababaray saldhigga Mareykanka ee Kismaayo”,ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Shabaab.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Maamulka jubbaland oo looga hadlaayo sheegashadda Shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here