Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, kadib markii Qarax ismiidaamin ah 29kii Bishii Maarso lagu dilay Guddoomiyihii hore ee Gobolkaasi.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa lagu magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal & Ku xigeenkiisa, waxaana ay u qornayd wareegtada sidan.
Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Ku-xigeenadiisa.
Garoowe : 13 April 2020 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr.30 April 13,2020 ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Ku-xigeenadiisa.
Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta Maamul ee Gobolka Nugaal.
Markuu Tixgeliyey: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.
Wuxuu xeeriyey:
Waxaa Cawil Axmed Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal
Waxaa Qaasim Maxamed Cabdi loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Gobolka Nugaal
Waxaa Xuseen Xaaji Cabdulle Maxamed loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Nugaal
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

