Alle ha u naxariistee waxaa goordhaweed Isbitaal Jaziira ku geeriyootay Maama Asli Yuusuf Gacal Xaayoow oo ka mid ahayd howl wadeenada idaacadda Simba.
Xanuun kadis ah ayaa kusoo booday maamada, waxaana loola cararay isbtaalka, ugu danbeyntiina waxaa ay ku geeriyootay halkaasi.
Maamo Asli ayaa ka mid ahayd howl wadeenada ugu waqtga dheeraa idaacdda Simba.
Maamulka iyo Shaqaalaha idaacadda Simba ayaa tacsi tiiranyo leh waxaa ay u darayaan dhammaan Ehelada iyo Qaraabada ay ka tagtay Maamo Asli.

