Faah-faahinno dheeraad ah oo kasoo baxaya iska hor imaad Goor dhaweyd dhex maray ciidanka DFS iyo Koox hubeysan

0

Faah-faahinno  dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor imaad goor dhaweyd dhex maray ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo Koox hubeysan.

Is rasaaseyn kooban oo dhex martay ciidanka iyo kooxa hubeysannaa ayaa ka dhacaday qayba ka mid ah magaalada muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Is-rasaaseynta ayaa ka dhacday sida ay dad goobjogayaal ah inoo sheegeen aga-gaarka isgoyska Bakaaraha ee degmada Howl-wadag.

Inta la xaqiijiyay waxaa lagu dhaawacay is-rasaaseyntaas laba kamid ah kooxdii dableyda ahayd hubeysnaa, waxaana goobta laga qaaday dhaawaca labadii ruux ee la dhawacay, iyadoo loo qaaday goobaha caafimaadka ee ka ag-dhaw aagga wax ka dhaceen.

Inta badan falalka nuucaan ah ayaa ka dhaca magaalada muqdisho, ciidanka ammaanka ee magaalada muqdisho ayaa dilal iyo dhaawacyo u gaysta dableyda hubeysan ee magaalada falalka ammaan darrada ah ka geysta.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here