Qaar kamid ah Culimadda magaaladda Muqdisho oo ka hor-timid Xiridda  Masaajidda.

0

Iyadoo dhawaan dowladda Federalka Soomaaliya ay Al-baabada u laabtay tiro dhowr masaajid ah oo maagalada muqdisho ku yaalla ayaa waxaa arrintaas ka hadlay qaar ka mid ah Culumada Soomaaliyeed.

Sheekh Yuusuf Tuurxume iyo Sheekh Maxamed Yaasiin Cabdiwaaxid oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in arrintaas aheyd mid lama filaan ah oo ka soo horjeeda dhaqanka iyo anshaxa islaamka, isla markaana aan loo baahneyn iyadoo salaadii lagu jiro in ciidamo soo galaan gudaha masaajidka, ayna joojiyaan khudbadii socotay.

Waxaa ay shegeen in arrintaani ay u muuqato mid ay dowladdu ku fududaatay, culimadu waxaa ay intaas ku dareen in aan loo baahnayn in la xiro masaajidda iyadoo ay furan yihiin dhammaan Goobaha la isugu yimaado sida Hotelada, Maqaayadaha iyo meelaha kale ee lagu kulmo.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa la filayaa inuu maanta la kulmo Culimada Soomaaliyeed, iyagoo ka wada hadli doona arrintan soo korortay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here