Mid Ka Mid ah Isbitaalada Muqdisho oo Irdaha Loo-Laabay

0

Isbitaalka Degfeer oo ka mid ah isbitaalada kuyaala magalada muqdisho ayaa shaqada laga joojiyay sida ay inoo sheegeen qaar ka mid ah shaqalaha ka howl gala isbitaalka, waxaana la xiray qaybaha kala duwan ee isbitaalka.

Waxa ay sheegeen in ay guud ahaan ay joojiyeen qaabilada Bukaanada imaan jiray Isbitaalka sababo la xariira Cudurka Corona Virus .

Waxaa kaliya oo furan qeybta loogu tala galay Gurmadka deg deg ah gaar ahaan dadka kusoo dhaawacma Qaraxyada, iyadoo ay xiran yihiin  qaybaha kale ee isbitaalka.

Waxaa sidoo kale karantiil la galiyay Dhaqaatiir, Shaqaalle iyo howladeeno ka tirsan Isbitaalka Digfeer oo looga Shakiyay Corona Virus.

Arrin taan ayaa timid ka dib markii Saddex ka mid ah dadkii shalay laga helay Corona Virus ay ka howlgalayeen Isbitaalka digfeer oo ka mid ah Isbitaalada  Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here