Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Kooxo hubeysnaa oo xalay Magaaladda muqdisho ku dilay Odey nabadoon ahaa.
Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Juungal, Degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir.
Goobjoogayaal ayaa inoo shegay in dhalinyaro bastooladdo ku hubeysnaa ay toogteen Nabadoon Xaaji Shaahid Kheyr-doon, xilli uu ka soo baxay Masaajid salaadii cishaha.
Kooxihii ka dambeeyay dilka ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana fashilmay qorshe ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayeen in ay kusoo qabtaan ragii dilka fuliyay.

