Madaxweynaha Puntland oo Lagu Eedeeyay in Qodobo Ku Fashilmay+Dhageyso

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa la sheegay in ku guuldareysatay Amniga Deegaano ka Xuduudaha Maamulka Puntland.

Gudoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Amniga Gobolka Mudug Maxamed Cabdulqaadir afdhuub oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda muqdisho  ayaa sheegay in Maamulka Saciid Deni uu ku fashilmay amniga deegaanada Maamulka Puntland,islamarkaana ay kusoo bateyn qaraxyadda iyo dilalka ay geystaan Al-shabaab iyo Daacish.

Waxa uu sheegay in Maamulka C/wali Gaas uu dagaal kula jirey Al-shabaab iyo Daacish,islamarkaana uu adkeeyay xaduudaha Maamulka uu la wadaago Dowladd Deegaanka iyo Galmudug.

Sidoo kale waxa uu sheegay IN Magaaladda Gaalkacyo uu maamul kasoo noqday lagu dilay intuu xilka hayay Deni Tiro Mas’uuliyiin ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here