Wararka ka imaanaya Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in Kooxo hubeysnaa ay Magaaladaas xalay ku dileen mas’uul ka Tirsanaa Maamulka Puntland.
Mas’uulka la dilay ayaa ahaa Sarkaal ka tirsanaa hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda laanta Puntland.
Cismaan Xuseen Xaaji Ismaaciil (Farey) oo ahaa madaxii xafiiska socdaalka garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ayaa la sheegay in la dilay isaga weysa qaadanaya,masjidka Hudda xaafadda Israac ee waqooyiga magaaladda Gaalkacyo.
Kooxihii ka dambeeyay dilka ayaa la sheegay in ay goobta ka baxdsdeen, waxaana saakay Magaaladda Gaalkacyo ka socda Howlgal.

