Ciidamadda Dowladda oo La Wareegay Maxkamadii Al-shabaab ee Galgaduud

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ee bartamaha dhulka Soomaaliya ayaa ku waramaya In ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya ay la wareegeen Maxkamadii Xarakadda Al-shabaab ee Gobolkaas.

Wakiil wareedka idaacadda Simba ee deeganadda Galmudug Muqtaar Shiikh C/laahi ayaa kusoo waramaya in ciidamadda Dowladda federaalka Soomaaliya ay si Nabadgalyo ah Maxkamada Shabaab ula wareegeen.

Waxa uu sheegay in ciidamadda Dowladda ay sidoo kale u ruqaansadeen deegaano kale ay ku sugan yihiin Al-shabaab oo kamid ah Gobolka Galgaduud.

Dhanka kale Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo looga hadlaayo sheegashada ciidamadda Dowladda Soomaaliya la wareegitaanka Maxkamadda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here