Iyadoo dhawaanahaan ay dagaal beleedyo qasaaro dhaliyay ay ka taagnaayeen degaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobalka Galgaduud ayaa waxaa ciidan kala dhex gala beelahaas u diray dowladda Soomaaliya.
Madaxda Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya qeybta Galmudug ayaa waxaa ay ciidamo farabadan u direen deegaanka Furinta-foore Ee Waqooyiga Gobolka Gal-gaduud ee xadka Itoobiya,halkaas oo dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac sababay uu ku dhex-marey labo maleeshiyo Beeleed.
Waxaa la filayaa in cidankani ay tagaan furumaha hore degaalku ka socdo, waxaana ay kala dhex galo doonaan malleeshiyo beleedka halkaa ku dagaalamaya, Ciidamadaan oo ka ambabaxay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay wataan Gaadiidka dagaalka noocyadooda kala duwan.
Dagaalka oo maal-mahaan socday ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, tirade dhimashada dagaalkii ugu danbeeyay ayaa kor u dhaafaysa 15-ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah.

