Ciidamada Ammaanka Maamulka Galmudug Galmudug ayaa maanta Goob fagaare ah ku gubay khaad aad u fara badan oo si dhuumaalaysi ah lagu soo galiyay degaanno ka tirsan Maamulka Galmudug.
Laamaha ammaanka magaalada Caabud-waaq aya goob fagaare waxa ay ku gubeen khaad ay sheegeen in si qarsoodi ah loo soo galiyay degmadaas.
Taliyaha Booliska degmada Cabudwaaq Qalbi Nuur ayaa sheegay in howl gallo ay sameeyeen ay kusoo qabteen 5 Ruux iyo gaadiidka jaadka lagu waday kuwo kalena ay baxsadeen oo ay ku raad joogaan.
Khaad ayaa horay looga mamnuucay degaanada maamulka Galmudug iyo guud ahaan daka oo idil.





