Puntland oo Soo Dhaweysay Tanaasulka Xaaf,Madaxweyne Qoor-qoor-na Aqoonsatay

0

Maamulka Puntland ayaa soo dhaweeyay heshiiskii shalay Magaaladda Dhuusa-mareeb ku gaareen madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), iyo madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Madaxweyne Deni, ayaa ugu horrayn bogaadiyay tallaabada uu qaaday Xaaf, kaasi oo aqblay in uu la shaqeeyo madaxweynaha cusub ee Galmudug Mr Qoor Qoor, kadib khilaafkii ka dhashay doorashadii Dhuusamareeb.

Sidoo kale, wuxuu Qoor Qoor uga mahadceliyay dadaalka uu ku  bixiyay dib u-heshiisiinta dadweynaha Galmudug.

Dhinaca kale, madaxweyne Deni ayaa bogaadiyay wada-hadallada ka socda magaalada Nairobi, ee u dhexeeya madaxweynaha Jubaland iyo xubno mucaaradsan maamulkiisa oo ay hoggaaminayaan Xiddig iyo Seeraar.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here