Ciidamadda Booliska maamulka Puntland ayaa xalay Magaaladda Garoowe ku gubay ilaa 14 Jawaan oo Qaad ah, kuwaasi oo si sharci-darro ah lagu soo la geliyay magaaladda.
Howlgal ay sameeyeen ciidamadda amaanka maamulka Puntland ayaa lagu soo qabtay jawaanadda qaadka ah,waxaana lagu gubay bartamaha Magaaladda.
Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse, oo hadal kooban ka jeediyay goobta Jaadkaas lagu gubay, ayaa Ciidanka ku amray in ay dagaal toos ah ku qaadaan dadka caadaystay soo gelinta Qaadka laga mamnuucay Puntland.
Gen Muxiyadiin, ayaa sidoo kale amray in wixii maanta ka bilowda dhammaan la qab-qabto Haweenka Jaadka gada, islamarkaana laga ja-jebiyo Kabarada Qaadka, si loo dhaqan-geliyo Amarkii Maamulka ku mamnuucay Jaadka ee la xiriiray ka hortaga cudurka Coronavirus.

