Warar soo baxaya ayaa sheegaya, in khilaaf xoogan uu soo kala dhexgalay madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash).
Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonan karo khilaafka labadda mas’uul ayaa salka ku haya magacaabista wasiirada ka imaanaya gobolka Sool, kuwaas oo madaxweyne ku xigeenku doonayo in lagu tixgeliyo talada uu ka bixiyo magacaabistooda.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa isku-maan-dhaafsan shakhsiyaadka la doonayo in laga soo magacaabo gobollada Sool iyo Cayn, waxaana mid kastaa ku adkaysanaya go’aankiisa, taasi oo dib u dhac ku keentay isku-shaandhayn madaxweynuhu ku samayn lahaa Golaha Xukuumadda.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland oo looga hadlaayo khilaafka madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash.

