Madaxweyne Xaaf oo Ku Wajahan Magaaladda Dhuusa-mareeb

0

Madaxweynihii Hore ee Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf), ayaa lagu wadaa in uu maanta tago Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonan karo wafdiga Madaxweyne Xaaf ayaa xalay ku hoyday Deegaanka Galinsoor, Degmadda Cadaado ee Gobolka Galgaduud,islamarkaana qorshahahooda uu maanta yahay in ay gaaraan Magaaladda Dhuusa-mareeb.

Xaaf ayaa lagu wadaa in uu wada-hadal la yeesho Madaxweynaha Galmudug Axmed Abdi Kaariye (Qoor-qoor), kaasi oo safar ku jooga Deeganadda Huurshe, iyo xiraale ee Gobolka galgaduud.

Madaxweyne Xaaf ayaa lagu qanciyay dhawaan in uu ka tanasulo Xilka Madaxweynaha Maamulka Galmudug, kadib kulamo ka dhacay Magaaladda Gaalkacyo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here