Xaaf oo Dhuusamareeb ka dagaya Maanta iyo Qaban Qaabo laga Dareemayo Magaalada

0
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducale Geelle Xaaf

Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynihii Hore maamulka Galmudug ayaa lagu wadaa in uu gaaro magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Xaaf iyo wafdi Ballaaran oo ay ka mid yihiin Xildhinaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ay dhawaanahaan ku sugnaayeen magaalada Gaalkacyo oo ay kulamo kula lahaayeen Xaaf.

Xildhibaanada ayaa dhawaanahaan ku howlanaa sidii ay xaaf ugu qancin lahaayeen sidii uu ula fariisan lahaa Madaxweyne qoor-qoor oo kusoo baxay doorashadii dhawaan ka dhacaday Dhuusamareeb.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa laga dareemayaa qabana-qaabada soo dhaweynta Xaaf, waxaana markii uu tego halkaas uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxweyne Qoorqoor, kuwaasi oo lagu xalinayo cabshooyinka jiray iyo Arrimo kale.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here