Dalalka Ku Bahoobay Naadiga Paris Club oo Deynta Ka Cafiyay Soomaaliya

0

Waddamada ku bahoobay naadiga Paris Club ayaa dalka somaliya kacafiyay deymihii ay kulahayeen kadib kulan muuqaleed (Vedio Conference) ay yeesheen madaxda waddamada paris club iyo wasiirka maaliyadda xukuumadda Somalia cabdiraxman Ducaale Beyle.

War qoraal ah oo kasoo baxay waddamada kumidoobay naadiga Paris Club ayay kusheegeen in waddamadan ay Somalia kacafiyeen deeyn lacageed oo gaareysa 1.4  billion oo doollarka mareykanka ah waxaana waddamada paris club ay soo dhaweeyeen guushii dhawaan xukuumadda Somalia ay kasoo hoysay barnaamijka deyn cafinta IMF ee SMP.

Dhinaca  kale wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Somalia Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa shaaca kaqaadday in arrintan aytahay guul taariikhi ah oo Somalia ay kagaartay arrimaha deyn cafinta waxa uuna ugu hambalyeeyay madaxda DFS iyo dhamaan ummadda somaliyeed guusha laga gaaray barnaamijka deyn cafinta.

Waddamada kubahoobay naadiga Paris Club ee Somalia usameeyay deyn cafinta waxaa kamid ah Australia, Austria, Belgium,Brazil, Canada, Denmark, Finland, France,Germany, Ireland,Israel

Italy,Japan, Netherlands,Norway,Russia,South Korea,Spain,Sweden,Switzerland,United Kingdom iyo dalka mareykanka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here