Al-shabaab ayaa toogtay Lix ruux ay sheegeen in ay la shaqeyn jireeen Dowladaha Shisheeye,islamarkaana ay ka howgali jireen deegaano ka tirsan Goboladda dalka.
Xukunkaan ayaa ka dhacay Fagaare weyn oo kuyaal magaalada Bu’aale xarunta gobolka Jubbada dhexe.
Gudoomiyaha Maxkamadda Al-shabaab ee Jubooyinka ayaa goob fagaare ah ka akhriyay magacyada 6 jawaasiis ah iyo dambiyada lagu eedeeyay ee sababay in xukunka dilka ah lagu fuliyo.
Shabaab ma aysan soo bandhigin magacyada xubnaha ay eedeeyeen ee dilka toogashada ah lagu fuliyay,balse waxa ay sheegeen in ay soo bandhigi doonaan.

