Al-shabaab ayaa sheegay in uu si dirqi ah kaga badbaaday Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawaa Yuusuf ragge.
Warbaahinta Shabaab ayaa baahisay in qarax dhulka la galiyay lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo gelbinayay Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed.
“Odawaa ayaa si dirqi ah uga badbaaday qaraxa balse waxaa gubtay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ilaaladiisa gaarka ah, war rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Al Shabaab ayaa lagu xaqiijiyay in qarax lagu beegsaday taliyaha ugu sarreeya ciidanka dowladda”, ayaa lagu yiri warka Shabaab.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee looga hadlaayo warka Shabaab.
Al-shabaab ayaa bishaan Maarso lagala wareegay Deegaanka janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo sanado ay maamualayeen.

