Faah-Faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dil Caawa ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Falka dilka ah ayaa ka dhacay
gudaha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.
Kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa toogtay Haweeney kamid aheyd Ururka Haweenka Gobolka Banaadir,waxaana lagu toogtay meel u dhow Hoygeeda.
Haweeneyda la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Maryan Maxamuud Axmed, iyadoona ka tirsaneyd Ururka Haweenka Gobolka Banaadir.
Dhanka kale Ururka Haweenka Gobolka banaadir ayaa Xaqiijiyay Geeridda Haweeneyda.

