Qarax ka dhacay Duleedka Jannaale iyo Shabaab oo sheegtay

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay qarax goor dhaw ka dhacay  duleedka degaanka Jannale ee Gobalka Sh\Hoose.

Qaraxa ayaa lala eegtay sida la sheegay Kolonyo ay wateen ciidanka xoogga dalka, dad goob joogayaal ah ayaa inoo sheegay in qaraxu uu ahaa miinada dhulka lagu aaso, waxaana la sheegay in lala eegtay qaraxaas Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Odawaa Yuusuf  Raage ayna la socdeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaas, waxaana ay sheegeen in ay khasaare gaarsiiyeen ciidanka millateriga Soomaaliya, iyagoo intaa ku daray in ay gubeen gawaari nuuca dagaalka ah oo ay leeyihiin ciidanka dowladda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here