Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Ismiidaamin ahaa oo caawa ka dhacay Magaaladda Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland.
Qaraxa ayaa ka dhacay afaafka hore ee saldhiga bartamaha Garoowe,waxaana qaraxa lala beegsaday gaari ay la socdeen Guddoomiyaja Gobolka Nugaal C/salaan Xasan Xirsi iyo Taliyihii hore Qeybta Booliska Gobolka Nugaal.
Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Puntland ayaa inoo sheegay in qof isa-soomiidaamiyay oo isku qarxiyay Mas’uuliyiintaan.
Waxa la xaqiijiyay in dhaawacyo ay soo gaareen Mas’uuliyiinta la beegsaday, waxaana loola cararay Isbitaalka Guud ee Garowe.






