Amisom ayaa ku dhawaaqday in gabi ahaanba laxirayo xarunta xalane oo saldhig u ah xubnaha kasocda wakiilada caalamka iyo sidoo kale diplomaasiyiinta dalalka caalamka kuwaasi oo iyagu kahowlgala xarunta xalane ee magaalada muqdisho.
Warsaxaafadeed kasoo midowga Africa ayaa lagu sheegay in gabi,ahaanba lajoojinayo howlaha iyo dhaqdhaqaaqyada kasoconayay xarunta xalane muddo 30 maalmood ah taasi oo kabillaaban doonta saqda dhexe ee caawa waxaana go,aankan uu saameeyn kuyeelan doonaa shaqaalaha qaramada midoobay iyo diplomaasiyiinta caalamka kuwaasi oo kahowlgala xerada xalane ee magaalada muqdisho.
Tallaabadan Amisom ay kujoojiyeen shaqooyinka iyo dhaqdhaqaaqyada xerada xalane ayaa waxaa looga golleeyahay sidii looga hortagi lahaa faafidda cudurka CoranaVirus oo saameeyn xooggan kuyeeshay guud ahaan waddamada caalamka.
Go,aankan lagu joojiyay shaqooyinka iyo dhaqdhaqaaqyada xerada xalane ee kasoo baxay howlgalka nabad ilaalinta midowga Africa Amisom ee Somalia ayaa kusoo aadaya iyadoo maalintii jimcada aheyd qof kamid ah shaqaalaha qaramada midoobay ee kusugan xerada xalane laxaqiijiyay in laga helay caabuqa karoona faayris oo kiiskii 3aad laga helay magaalada muqdisho.


