Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa manta Qalab looga hortago caabuqa CORANAVIRUS waxaa ay gaarsiisay qaar ka mid ah maamul Gobaleed-yada dalka.
War kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasaaraddu ay maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubalanad la gaarsiiyay Qalab looga hortagayo cudurka Covid-19-ka.
“Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa maanta ku wareejisay qalab loogu talo galay ka hortaga Cudurka Corona Maamulka Gobolka Banadir iyo Maamaul Goboleedyada Jubaland iyo Koonfur Galbeed.
Qalabka ayaa waxaa Dawladda Soomaaliya ugu deeqay Jack Ma Foundation.
Waxaa berito qalabkan sido kale la gaarsiin doonaa Maamul Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle”. Ayaa lagu yidhi war kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

