Magaalada Baydhaba ee xarunta Gabalka Baay ayaa lagu wadaa manta in ay ka billaabato diiwaan galinta xubnaha u taagan Qabashada Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed.
Iyadoo dhawaan lasoo dhamaystiray xildhibaanada Cusubee maamulka Konnfur galbeed ayaa waxaa wali la wada sugayaa cidda u istaagi lahayd qabashada guddoonka baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaliya, waxaa saacadaha soo aaddan la diiwaan galin doonaa murashixiinta u taagajn qabashada guddoomiyaha kowaad iyo guddoomiye ku xigeenka.
Ma jiraan shaqsiyaad horay ugu dhawaaqay in ay u taagan yihiin labada guddoon ee baarlamaanka Koonfur Galbeed, balse waxaa jira shakhsiyaad si gooni ah loo hadal hayo, kuwaas oo ay macqul tahay in ay isu-sootaagaan guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

