Senoter Yuusuf Geelle Ugaas (Dhageey), oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay askari ka tirsan Ilaaladiisa oo shalay Magaaladda Dhuusa-mareeb ku dilay wiil dhalinyaro ahaa oo si weyn looga yaqaanay gudaha magaaladaas.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshadda ayuu ugu horeyntii Tacsi ugu direy Qoyska, Ehelada iyo ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum shaafici Xaaji Diiriye.
Waxa uu sheegay in falkaas uu geystay askari ka Tirsan ilaaladiisa oo ka shakiyay wiilka dhalinyaradda ahaa,islaamrkaana gacanta loo galiyay laamaha amaanka Dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaaladda Dhuusa-mareeb.
“Alle ha u naxariisto shaafici Xaaji Diiriye oo ku geeriyooday maanta Dhuusamareeb, waxaan kaga tacsiyeeynayaa geerida Marxuumka, qoyskiisa, eheladiisa iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed. Ugu dambeyn waxaan halkaan ka cadeeynayaa in aan hay’adaha amniga ku wareejiyay falkaa foosha xun cidii u geysatay marxuumka cadaalada loo marsiin doona” ayuu yiri Senotar Dhageey.

