Wararka ka imaanaya Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland ayaa ku waramaya in dagaal u dhaxeeya Labo maleeshiyo beeleed uu ka socdo Galbeedka Magaaladaas.
Dadka deegaanka ayaa idaacadda Simba ee magaaladda muqdisho u sheegay in labadda maleeshiyo Beeleed uu dagaalkooda salka ku hayo muran ka dhashay dhul daaqsin iyo ceel biyood.
Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhintay 7-ruux oo u badan dhinacyadii dagaalamay.
Dhanka kale C/rashiid Macalin Gaas oo kamid ah Saraakiisha Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in dagaalka uu ka dambeeyo Maamulka Axmed Madoobe.

