Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynihii Hore ee Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), uu ka qeyb gali doono Xafladda Caleema-saarka Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Cabdi kaariye (Qoor-qoor).
Guddoomiyaha guddiga caleema-saarka Qoor Qoor Yuusuf Garaad Cumar oo Gaalkacyo ku booqday Madaxweyne Xaaf ayaa kusoo qanciyay in uu kasoo qeyb-gelo caleema-saarka madaxweynaha cusub,islamarkaana uu arintaas ka aqbalay.
Guddoomiye Yuusuf Garaad Cumar oo qaban-qaabinaya xafladda Caleema-saarka madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in uu Gaalkacyo ku booqday madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle.

