Shabaab oo Qarax Ku Dilay 7-askari oo Ka Tirsanaa Ciidamada Dowladda

0

Al-shabaab ayaa sheegay in weeraro khasaare kala duwan geystay ay ka fuliyeen Deegaan u dhow Deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ugu yaraan 7 askari oo katirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dhintay kadib markii qarax lagula beegsaday deegaan kaabiga ku haya degmada Janaale.

Warbahinta Shabaab ayaa sheegtay in qaraxa lagu gubay gaari dagaal ay la socdeen ciidamadda Dowladda Soomaaliya,islamarkaana halkaas lagu dilay 7-askari.

Dhanka kale Al-shabaab ayaa weerar hoobiyayaal ah ku weeraray Saldhigyada ciidamada huwanta ah,ee Deegaanka Janaale ee Shabeelaha Hoose.

Intii ay duqeynto socotay ayaa la arkayay holac ka baxayay saldhigyada Ciidamadda huwanta ah waxaana gubtay keydad hub iyo teendhooyin udhisnaa cadowga.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here