Waxaa magaalada Baydhaba ee xarunta Gobalka Baay manta lagu dhaariyay Xildhaanada Cusub ee maamulkaas kuwaas oo dhawaan lagu soo doortay, magaalada Baydhaba.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Maxkamadda Koonfur Galbeed, Guddigii qaban-qaabiyay soo xulista Munadayaasha iyo xubno kalee , waxaana Maanta la dhaariyay 94 Xildhibaan.
Arrintaan ayaa imaanaysa iyadoo ay isi-sootarayeen cabasho ka imaanaysay qaar ka mid ah beelaha ku mideysan maamulkaas, qaasatan beelaha daga Gobalka Shabeelaha Hoose.

