DFS oo Ka Hadashay Mowqifkeeda Muranka Webiga Niil masar iyo Ethiopia.

0

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay mowqifkeeda ku aadan muranka webiga niil-ka ee Dowladaha masar iyo Ethiopia.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Sooomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Soomaaliya ay dhexdhaxaad ka tahay muranka Labada dal, islamarkaana aysan la qabin mowqifka dalalka jaamacadda Carabta oo taageersan waddanka Masar.

Wasiir Cawad, ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay dhex-dhexaadnimo u codaysay kulankii waddamada ku midaysan Jaamacadda Carabtu ay kula safteen waddanka Masar oo muranka biyaha Niil-ku kala dhexeeyo dalka Ethiopia.

“Masar iyo Itoobiya dhexdhexaad ayaan ka nahay arrimaha webiga Niilka,dhexdhexaadninadaas ayey ku jirtaa danteena mustaqbalka,cidna nooma yeedhin karto mana yeelano in naloo yeedhiyo go’aankeenna, kuwo hore oo isku dayey yey u suuroobi wayday,waabaan tabar darneyn hadda waa na laku sirmayaa”, ayuu yiri wasiir Cawad.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here