Al-shabaab oo Ka Hadlay Qaraxii Lagu Dilay Taliyihii Booliska Saldhiga Afgooye

0

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qarax maqribkii xalay lagu dilay Taliyihii Booliska Saldhiga Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa ayaa ka dhacay deegaanka Lafoole ee duleedka Magaaladda Muqdisho.

Gaariga la qarxiyay ayaa waxaa la socday Col. C/qaadir Nuunoow oo ahaa taliyaha booliska degmada Afgooye iyo 5 askari oo ilaala u aheyd,waxaana la xaqiijiyay in ay halkaas ku dhinteen.

Warbaahinta shabaab ayaa baahisay in qaraxa shabaab ka dambeeyeen,islamarkaana lagu dilay taliyaha iyo ilaaladiisa.

“Al-shabaab ayaa qarax ku dilay Taliyihii Booliska Dowladda Soomaaliya uqaabilsanaa degmada Afgooye iyo 5 askari oo ilaala u ahaa” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Al Shabaab.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here