Maamulka Puntland oo Ka Hadlay Dil Ka Dhacay Gaalkacyo, Shabaab oo Sheegtay

0

Iyadoo xalay magaalada Gaalkacyo uu dil ka dhacay Gaalkacyo, ayaa waxaa ka hadlay maamulka Puntland oo dilku ka dhacay dhinac ay ka xukumaan Gaalkacyo.

Dilka oo loo geystay Xildhibaan ka tirsanaa Galaha Deegaanka ayaa waxaa fuliyay dilka Koox ku hubeysan Bistoolado kuwaas oo goobta isaga baxsaday marka ay dilka Fuliyeen.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dilku uu  Kadhacay Gaalkacyo loona geystay Xildhibaan Mukhtaar Axmed Cumar ( Tinle) oo ka tirsanaa golaha degaanka.

Waxaa uu sheegay in dilkaas ay geysteen koox bistoolad leey ah, waxaana uu ku eedeeyay in ay dilkaas ka danbeyeen Shabaab, waxaa uu intaas ku daray in ay ku raad joogaan kooxihii falka dilka ah fuliyay.

Magaalada Gaalkacyo  ayaa waxaa ka dhaca dilalka nuucaan ah, iyadoo inta badan ay fuliyaan Shabaa opo tiro dhowr jeer ah dilal ka geystay Magaalaga Gaalkacyo ee Xarunta Gabalka Mudug.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan sida ay baahisay warbaahinta Shabaab.

“Al-shabaab ayaa Gaalkacyo ku dilay mid kamida xubnaha golaha deegaanka ee maamulka Puntland” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay XSHM.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here