Al-shabaab oo weerar ka fuliyay Gudaha Kenya

0
Ciidamadda Meletariga Dowladda Kenya

Al-shabaab ayaa weerar xooggan ku qaaday shaqaale waddo ka dhisayay delka Kenya, wararka ayaa sheegaya in koox hubeysan oo al-shabaab ka tirsan ay weerar ku ekeeyeen I Gobolka xeebta ah ee Lamu iyo deegaanka lagu magacaabo Garsen..

Waxaa la sheegey in halkaas uu ka dhacay dagaal kooban oo dhexmaray ciidankii ilaalinayay shaqaalaha waddada dhisayay iyo Al-shabaab, waxaa la sheegay in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan si aad ahna looga maqlayay degaanka lagu dagaalamay iyo degaanada ka agdhow.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Lamu Moses Murithi ayaa ka hadlay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen shaqaalaha dhisayay waddada, waxaana uu sheegay in Shabaab ay weerar ku soo qaadeen balse ay iska dufaaceen, waxaa uu intaa ku daray taliyuhu in aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray ciidankooda.

Al-shabaab ayaa inta badan waxaa ay weeraro khasaare farabadan geysta waxaa ay ku qaadaan gudaha Kenya, waxaana inta badan ay guula ka sheegtaan Shabaab weerarada qorsheysan ee ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here