Wasiirka amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa maanta gaaray Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.
Wararka ka imaanaya degmada Dhoobley ee Gobalka Jubada Hoose ayaa ku warramaya in wasiir Janan oo dowaldda dhexe ee Soomaaliya baxsad ka ah uu gaaray degmadaas, waxaana la sheegay in halkaasi uu kulamo la qaadan doono qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka iyo maamulka degmada.
Garoonka diyaaradaha Dhoobley ayaa waxaa Wasiir Cabdirashiid Janan kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbalabnd iyo Saraakiil kamid ah Ciidanka Daraawiishta maamulkaas
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Wasiir Janan iyo Madaxweyne Axmed Madobe ay ka wada hadli doonaan Arrimo kala duwan oo ku aadan Jubbaland iyo xaalada Gobolka Gedo.
Dowladda dhexe ee soomaaliya ayaa horay u shaacisay in wasiir Janan uu yahay baxsad ay dowladda dhexe ay doonayso in ay gacanta ku dhigto.

