Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliya ee dhawaan la wareegay deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa gacanta ku dhigay Madaxii Amniyaadka Al-Shabaab u qaabilsanaa Gobolka Shabeellaha Hoose.
Sarkaalka la qabtay ayaa magaciisa lagu sheegay Xasan Suuley oo loo yaqaan Xasan Ganey.
Howlgal ay ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka sameeyeen Duleedka Janaale ayaa lagu qabtay Sarkaalka.
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jen. Cabdixamiid Maxamed Dirir oo ku sugan deegaanka Janaale ayaa Idaacadda Ciidamada qalabka sida u sheegay in Sarkaalkan lagu soo qabtay, isaga oo ku dhuumaaleysanaya duleedka Janaale.
Taliyaha Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa u mahadceliyay Dadka shacabka ee ku dhaqan Janaale oo uu sheegay in ka qeyb qaateen soo qabashadda Sarkaalka.

