Bannaan bax xooggan ayaa waxaa uu ka socdaa magaalada Baydhaba ee xarunta Gobalka Baay.
Wararka ka imaanaya magaalada Baaydhaba ayaa sheegaya in saaka magaaladaas uu kasocdo Banaan Bax Ballaadhan oo lagu taageerayo Xildhibaanadii dhawaan lagu soodoortay Koonfur Galbeed.
Waddooyiunka waaweyn ee magaalada ayaa waxaa lagu arkaya dad farabadan oo shacab ah kuwaas oo wata Boorar ay ku muujinayaan hal ku dhigyo ay ku taageerayaan Xildhibhaanada cusub eee maqamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Khamiistii aynu soo dhaafnay ayaa lagu dhawaaqay liiska Xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed, waxaana jirta in qaar ka mid ah xildhibaanada labada aqal ee dowladda federalka Soomaaliya ee kazoo jeeda Galmudug iyo Hirshabeelle.



