Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyay gaadiidka qaraxyo laga soo buuxiyay,kadib howlgal laga sameeyay duleedka deegaanka Buulo-Gaduud oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalkaan ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay ciidamadda sida gaarka u tababaran ee Kumaandooska Soomaaliya,kuwaasi oo howgalo kawada Gobolada Jubooyinka iyo Shabeelaha Hoose.
Markuu howlgalka soo dhamaaday kadib waxaa warbaahinta la hadlay Taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandooska Xoogga dalka, Gaashaanle, Ismaaciil Cabdimaalik Maalin.
Taliyaha ayaa sheegay in howlgalka ay si gaar ah u fuliyeen ciidamadda Kumaandooska Dowladda Soomaaliya,islamarkaana lagu qabtay gawaarida Nooca Soomaalida u taqaano yuudhii oo qaraxyo laga soo buuxiyay.
Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay 18-xubnood oo ka Tirsanaa Dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.

