XFS oo Si kulul Kaga Hadashay Qodobo Ku Jirey Shirkii Puntland.

0

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hor timid qaar kamid ah Qodobadii ku jirey War-mutiyeedkii kasoo baxay shirkii dhawaan lagu soo gaba-gabeeyay magaaladda Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland.

Wasiirka arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ayaa cadeeyay inay diidan yihiin warmurtiyeedkii shirka, qaybta ku saabsan Dowladda Federaalka, taa sida uu sheegay aan ka tarjumeen doodihii shirka.

Wasiirka ayaa sheegay in ay ka xun yihiin ereyadii xanafta lahaa ee loo gaystay Dowlad Goboleedyada kale, haddii aanay qayb ka ahayn ajandihii shirka lagu qaadaa dhigay.

“Waxaan diidanahay go’aamada lagu sheegay warmurtiyeedka shirka ka soo baxay, qaybta ku saabsan Dowladda Federaalka, oo aan ka tarjumeen, kana tarjumin hadal soo jeedintii iyo doodihii shirka,waxaan ka xunahay oo aan rabnaa inaan halkaan ka cadeyno ereyadii xanafta lahaa ee warmurtiyeedka ku soo baxay, ee loo gaystay Dowlad Goboleedyada kale, taasoo aan qayb ka ahayn ajandihii shirka, kuna jirin hadal soo jeedintii wafuudda, kuna jirin doodihii shirka.” Ayuu yiri Wasiir Cawad.

Dhanka kale Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya ayaa soo dhaweeyay hadalkii shalay ka soo yeeray Madaxweynaha Puntalnd ee la xiriiray in uu taggi doono Magaalada Muqdisho.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here