Ciidamadda Xoogga oo La Wareegay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Hiiraan+Dhageyso

0

Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed ayaa si buuxada ula Wareegay Amniga Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobalka Hiiraan halkaasi oo Ciidamada Dowlada iyo Maleeshiyaadka Macawisleyda ay Dagaal kula Galeen Alshabaab.

Maamulka Magaalada Baladweyne ayaa Xaqiijiyey in Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo Maleeshiyaadka dadka Deegaanka ah ay la wareegeen Deegaanka Baali ee Gobalka Hiiraan ayagoo xusay in uusan jiran wax khasaare ah  oo soo gaaray Ciidanka Xooga dalka iyo dadka Deegaanka.

Gudoomiye ku Xigeenka Amniga  Magaalada Baldweyne maxamuud Cali ayaa Idaaacadda Simba u sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay Howlgalo Culus ay ka wadaan Deegaanka bitaale Gobalka Hiiraan waxa uuna Xusay inay bogaadinayaan  Tilaabooyinka ay qaadeen Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed.

Maleeshiyaadka Macawisleyda ayaa Xalay Weerar Xoogan ku qaaday Goobo ay ku sugnaayeen Al-shabaab ka dib markii deegaanadaasi uu kormeeray Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Jeesoow oo la hadalay Idaacada Simba ayaana Dowladda Soomaaliya ka dalbaday inay Xoojiso Howlgalada lagu Xoreynayo Deegaanada ka maqan gacanta Maamulka Hirshabeelle.

Xildhibaan Jeesoow ayaa Dowladda Soomaaliya ku dhaliilay inaysan Taageero siin dadka shacabka ah ee dagaalka kula jira Xarakadda Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here