
Dowladda Kenya ayaa lagu eedeeyey inay ku Xadgudubtay amaro ay soo soo saartay Dowladda Soomaaliya oo ay ku Hakisay isku Socodka dadka iyo gaadiidka iskaga goosha Soomaaliya iyo Wadamada dariska la ah ee geeska Africa iyo Guud ahaan Caalamka si loo ilaaliyo badqabka Bulasha Soomaaliyeed.
Dowladda Kenya ayaa la sheegay inay maanta Deegaanada Jubbaland ay ku soo daabushay Doonyo sida qaad kuwaasi oo ku soo xirtay Dekedda Magaaladda Kismaayo ee Maamulka Jubbaland arintaas oo lagu tilmaamay mid Xadgudub ku ah madax baanida Soomaaliya iyo ilaalinta Badqabka bulshada Soomaaliyeed.
Xildhibaan Siciiid oo ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa Idaaacada Simba u sheegay in maanta suuqayada Magaaladda Kismaayo lagu iibinayo maandooriyada qaadka oo Dowladda Soomaaliya ay joojiyey diyaaradahii dalka keeni jiray sababo la xiriira Cabsi Xoogan oo laga qabo Caabuqa Coronavirus ka dib markii kiisas la xiriira cudurkaas lagu arkay wadanka Kenya.
Xildhibaanka oo ka tirsan Garabka Cabdirashiid Xidig ayaa Dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay Kenya ka qaado Tilaabo jawaab u ah Xadgudubka ay ku sameysay Xuduudaha dalka iyo Caafimaadka Ummada Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay joojisay diyaaradaha ka imaanaya dalka dibadiisa ka dib markii Dowladdaha Itoobiya iyo Kenya oo daris la ah sooomaaliya ay soo bandhigeen Warbixino Muujinaya kiisas la Xiriira Caabuqa Coronavirus.
